0F4A5262.jpg

Masuuliinta saree e Faracyadda Hargeisa, Burco, Berbera iyo Ceerigaabo ee Jaamacadda Abaarso Tech ayaa 2-3 Februaury kulan balaadhan ku qaatay MaanSoor Hotel Berbera. Kulankaa oo ah University Retreat ujeedkiisu wuxuu ahaa in madaxda Jaamacaddu isla meel dhigaan qorshe sanadeedka 2023 iyo istraatiijiyadda guud ee sannadaha soo socda. Waxa kulanka martigeliey Faraca ATU Berbera iyo Mareeyaha Sare Maxamad Cabdilqaadir.

Waxa qayb ka ahaa shirka Hormoodda kuliyadaha kala duwan: Maxamed Dauud (Software Engineering), Dr. Cabdiraxman Husen (Health Sciences), Cabdillahi Xassan (IPRT), Axmed Maxamed (Academic Dean Ceerigaabo) iyo Saciid Saalim (Academic Dean-Burco).

maamulka.jpg

Guddoomiyaha Jaamacadda Abaarso Tech Dr. Axmed Xuseen Ciise ayaa ugu horrayn u mahadnaqay dhammaan madaxda 4ta farac ee ay Jaamacaddu ka kooban tahay tilmaamayna in sanadkan dhamaaday uu guul wayn jaamacadda u ahaa iyada oo afarta farac ba ay ku soo biireen ardaydii ugu badnaa intii ay jaamacaddu jirtay.

Dr. Axmed Xuseen Ciise wuxuu sheegay “in Jaamacadda iyada oo ka mid ah kuwa ugu da’da yar haddanna loo aqoonsan yahay inay ka mid tahay kuwa ugu tayadda wanaagsan, mahaddana ay iska leeyihiin madaxda faracyada ee goboladda dalku, kullankanna lagaga tashan doono sidiii tayaddaa kor loogu sii qaadi lahaa,”

Marka laga yimaado faraca guud ee Hargeysa faraca Burco ayaa ugu da’wayn inta kale, ATU Burco waxay ka mid tahay jaamacaddaha ugu caansan gobolka Togdheer.

saed.jpg

Maareeraya Sare e ATU Burco iyo shaqaalaha ayaa si mug leh u soo bandhigay waxqabadkooda iyo sida ay jaamacadda Burco u kortay muddo yar gudaheed. Saciid Adan, Maareeyaha Guud ee ATU Burco wuxuu doo bsndhigsy waxqabad ATU ku leedahay gobolka iyo barnaamijka ONLINE ka ah ee wakhtigan dhigtaan arday heerka labaad (Masterska) oo ku nool Geeska Afrika dhammaantii.

Jaamacadda ATU Ceerogaabo oo si balaadhan ugu soo qaybgalay shirka iyaga oo meel dhar uga yimid ayaa si gaar ah loogu xusay laguna amaanaay sida muddo kooban jaamacadda kor ugu qaadeen iyada oo ATU Ceerigaaby ay laba campus ku leedahay magaaladda.

ATU Ceeriaagbo waxay soo bandhigeen qorshaha kor loogu qaadayo LANGUAGE Proficiency ga ardayda oo intaanay ATU ka furmin gobolka aad u hoosaysay.

ATU-Berbera oo sanadkii 2022 ka ay ka baxeen ardaydii Master-ka ee waxa ka barata Berbera ayaa ka dambaysa kulankan lagu qabtay Berbera iyo Hotel Maansoor oo jawiga shirka ka dhigay mid farxad leh.

erigavo team.jpg

Go’aanadda shirka ka soo baxay waxa ugu muhiimsanaa:

1) In la sii wado xoojinta tayadda waxbarashadda

2) In la mideeyo manhajka Faracyadda

3) In la xoojiyo xidhiidhka maalin laha ah

4) In kor loo qaado Language Proficiency ga ardayda

5) In la sameeyo istraatijyad cusub oo ka tarjumaysa baahida dalka iyo ujeedka loo abuuray Jaamacddaa oo ay k mid tahay istraatijiyada maalgishaga (Investment Strategy).

6) In la sii wado waxgabadka Jaamacadda ee Bulshada (Community Outreach)

7) In la xoojoyo lanai ska kaashaddu cilmi baadhista ay faracyaddu sameeyeen.

Gebagabadii waxa la go’aamiyey in sanadka soo socda shirka University Retreat lagu qabto magaaladda Burco iyada oo la aqbalay martiqaad ATU-Burco soo gudbisay.